DAAWO:- Faysal waraabe oo Hargeisa kusoo Noqday Kana Dayriyey Xaalada Somaliland

0

Waxaa maanta magaalada Hargeisa dib usoo noqday Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Wuxuuna  ka dayriyey Xaalada ay Somaliland Marayso Xiligan.

“Dalku  Wuxuu maanta marayaa Marxalad aana islahayn wuu gaadhi doonaa Weligii,  Welwel wayn ayaa haysta Shacabkeena Gudo iyo Dibad.” Ayuu yidhi Faysal waraabe.

Wuxuu sheegay inay maalita Sabtida ay Labada xisbi ee Wadani iyo Ucid go’aamo kasoo saari doonaan xaalada ay marayso Somaliland, Islamarkaana ay shacabka wax badan la wadaagi doonaan.

“Arimaha gudaha, dibadda , dhaqaallaha,  Nabad gelyadda iyo Halka uu marayso Somaliland ayaanu kasoo saari doonaan go’aamo”.