Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco oo la kulmay Madaxweyne Waare

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle   Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay  Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM, iyagoo ka wada hadlay arrimaha Ammaanka Deegaannada Hirshabelle iyo Qorshaha Xoreynta, furista Wadooyinka Ay go’doomiyeen  Dagaalamaayasha Al-shabaab iyo sidii amisom uga qeyb qaadan laheyd fulinta Howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka deegaannada Hirshabelle.

Kulanka Madaxweynaha waxaa Ku wehlinayay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle Ambassador C.qaadir Xooshow, Guddoomiye Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale, iyo Xubno kale oo ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle.