Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle Oo Kulan La Qaatay Saraakiil AMISOM

0

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle ahna kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Saraakiil Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Saraakiisha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan maamulkaas.

Sidoo kale Cali Guudleewe ayaa Saraakiisha AMISOM kala hadlay sugida amniga deegaanada Hirshabeelle iyo dardar gelinta dagaalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM, iyagoo ka wada hadlay arrimaha Ammaanka DeegaanadaHirshabelle iyo Qorshaha Xoreynta, furista Wadooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab.