Golaha Shacabka BJFS Oo Meel Mariyey Hidise Sharciyeedyo dhowr ah

0

Mudanyaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta Yeeshay Kulankooda 32-aad ee Kalfadhiga 6-aad, Kooramka Kulanka Maanta Ayaa Waxaa UU Ku Furmay 144 Mudane, Waxaana Shir Gudoominayey Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ajendaha Kulanka Maanta Ayaa Waxaa Uu Ahaa:-
1-Furitaanka Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah
2-Ansixinta Ajendaha
3-Warbixinta Hindise-sharciyeed-yada Kasoo Noqday Aqalka Sare.
4–Sharciga Doorashooyinka Qaranka Heer Federal.
5-Sharciga Duulista Rayidka.
6-Sharciga Jaan-gooynta Iyo Tayo-dhowrka Soomaliyeed.
7-Sharciga Tirokoobka Qaranka.
8-Hindise Sharciyeedka Xeerka Warbaahinta.
9-Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada Iyo Xaqsiinta Ciidamada.
10-Qeybinta Hindisaha Dib-u-eegista Iyo Kaabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka.

Ugu Horeyn Mudanyaasha Golaha Shacabka BJFS Ayaa Dooda Maanta Waxay Ku Meel Mariyeen Hidise Sharciyeedyo Ay Kamid Yihiin:-
1-Sharciga Doorashooyinka Heer Federal
2-Hindise-Sharciyeedka Xeerka Warbaahinta.
3-Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada Iyo Xaqsiinta Ciidamada.
4-Sharciga Duulista Rayidka.
5-Sharciga Jaan-gooynta Iyo Tayo-dhowrka Soomaliyeed.

Dhanka Kale Waxa Dib Loo Dhigay Qeybinta Hindisaha Dib-u-eegista Iyo Kaabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka.