DHAGEYSO:-Waxgaradka gobolka Gedo oo fariin adag diray

0

Nabadoon Idiris Xasan Nuur oo ka mid ah waxgaradka degmada Beled-Xaawo ayaa walaac ka muujiyey dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Ka dib isaga oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo aad u badan la geeyey degmooyinka gobolka, kuwaas oo ka kala socda dowladda iyo Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiisadaha u dhexeeya ciidamadaasi ay sababi karaan inuu dagaal dhexmaro labada dhinac.