DHAGEYSO:-Qardho Sidee looga Darmeemay Shirka Wadatashiga ee Puntland ay ku Baaqday ?

0

Waxaa Magaalada Qardho lagu qabtay shir lagu taageerayo Go’aankii ay qaateen Xukuumadda Puntland ee la xidhiidhay in lagu taageero shirka wada-tashigga ah ee Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay kaas oo lagu waddo 15ka Maarso in uu ka furmo Magaalada Garoowe.

Shirkaan waxaa soo abaabulay shacabka Xaafadaha Magaalada Qardho oo gacan ka helaya Dawlada Hoose, Intii u socday waxaa si wayn looga hadlay marxaladihii ay Puntland soo martay iyo kaalintii ay ku lahayd hanaqaadka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Dhalinyarada, Haweenka, Isimada oo goobta ka hadlay waxay sheegeen in ay taageersan-yihiin shirkaas ayna diyaar u yihiin in dawladooda ay la shaqeeyaan. Sidoo kale waxay dadka reer Puntland ugu baaqeen in ay midoobaan oo dawladooda la shaqeeyaan.

Maamulka Dawlada Hoose, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda, Maamulka Gobolka Karkaar, Siyaasiyiin iyo Marti-kale oo kasoo qaybalay kulanka dhankooda waxay sheegeen in ujeedada ugu wayn ee shirkaan laga leeyahay ay tahay sidii dadka reervPuntland ay aayahooda uga tashan lahaayeen.