Taliyihii Booliiska Wadajir oo xilka laga qaaday iyo Taliye Cusub oo loo Magacaabay

0

Sida warbaahinta ay u sheegeen ilo wareedyo, waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Booliiska Degmada Wadajir Cabdi-baasid Maxamuud Cagay oo shalay lagu xiray Muqdisho, kadib markii la sheegay in degmadaas laga tuuray Madaafiic.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale warbaahinta u xaqiijiyay in su’aalo laga weydiiyay Taliye Cabdi-Baasid sida ay u dhacday in Madaafiic laga tuuro Degmada Wadajir ee uu taliyaha ka ahaa.

Xalay waxaa xilka laga qaaday Taliye Cabdi-Baasid, waxaana loo magacaabay Taliye Cusub oo lagu magacaabo Saciid Cali Maxamuud oo katirsan saraakiisha Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in Taliye Cabdi-Baasid xil ka qaadista iyo xarigiisa loo cuksaday dayacaadda Amniga degmada uu ku magacawnaa.

Tiro hoobiyaal ah ayaa la sheegay in shalay laga tuuray qayb kamid ah Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana degmadaas tagay saraakiil katirsan Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo su’aalo weydiiyay Mas’uuliyiinta Amniga Degmadaas.