Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday saraakiil iyo Wariye Alshabaab ah

0

Maxkamadda Darajada koowaad  ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta waxaa ay xukuno ku riday Ragg lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha  Al-Shabaab.

Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi  ayaa loo  heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa sarkaalka  tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta laga ay shabaab ka qaataan dadka deegaanka.

Cabbduqaadir oo magiciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay  degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir  sideedii October sanadkii ina dhaaafay halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid  laga soo qabtay  xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii  September Sanadkii hore.

Maxkamadda ayaa wada tashi  dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi   waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisu afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee  gobalka Banaadir 28  August sanadkii ina dhaafay.

Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu si gaar ah ugu  ahaa wakiil wareed  mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab.

Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa uu ugu dambeyn go’aan ka soo saaray xukunka, waxaa uuna sheegay in Xasan Luqmaan lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah