Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga qabanqaabo una ambabaxay Jabuuti

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar aan hore loo sii shaacin ugu ambabaxay dalka Jabuuti.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Jabuti Madaxweyne Deni tan iyo markii uu la wareegay xilka madaxweynaha Puntland.

Lama oga ujeedada safarkan deg-degga ah ee Madaxweyne Deni ugu ambabaxay dalka Jabuuti ,hase yeeshee intii uusan ambabaxin ayuu magacaabay Madaxweyne Deni guddiga qabanqaabada shirka wadatashiga Puntland.

Guddigan ayaa waxaa uu ka kooban yahay 11 xubnood oo isugu jira Golayaasha Puntland,wakiilada ku matala dowlada federalka,dhaqanka,siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland.

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.

11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin.