DHAGEYSO:-Siciid DENI oo Xog Cusub ka bixiyey Shirka uu ku dhowaaqay ee Garoowe ka dhacaya

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu faah-faahin ka bixiyay shirka uu ku dhawaaqay ee ka dhacayo Magaalada Garoowe 15-ka Maarso 2020-ka iyo waxa looga hadlayo.

Deni ayaa tilmaamay in Shirkaas ay ka qaybgalayaan Saamileyda Siyaasadeed ee Puntland, waxyaabaha looga hadlayo waxaa kamid ah Xaaladda guud ee Dalka iyo tan Dowlad Goboleedka Puntland.

Munaasabad xalay ka dhacday Magaalada Boosaaso oo uu ka hadlay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu ka sheegay in la joogo waqtigii saamileyda siyaasadeed Puntland ay ka doodi lahaayeen halka wax loo wado iyo qorshaha geeddi socodka heer Federaal.

Waxa uu meesha ka saaray in shirka lagu qabanayo Garoowe uu yahay mid lagu cuuryaaminayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse arrintaas shaqsiyaad uusan tilmaamin ay been abuur ka sameeyeen.

“Shirka aan ku dhawaaqay ee dhacaya 15-ka March, waa mid muhiim u ah ka guurista Nidaamka awood qaybsiga Beelaha ee 4.5-ta oo lagu kala qaybsado qaybaha Dowladda, ka Puntland ahaan waxa aynu raadsaneynaa deegaannada iyo Xuduudaha naga maqan” ayuu yidhi Madaxweyne Deni.