DHAGEYSO:-Muuse Biixi oo soo dhoweeyay Raaligelintii MD. Farmaajo, Kana hadlay Shirkii dhexmaray iyo Arimo Xasaasi ah

0

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Khudbad dhinacyo badan taabanaysa uga hadlay Xaalada Somaliland, Kulankii uu la qaatay Madaxwayne Farmaajo, Raali gelintii kasoo yeedhay,  Arimaha Doorashooyinka iyo Taariikho hore oo dhacay.

“Laba sanno waxay inooga dhammaadeen Muran Ma dhalays ah oo ku saabsan Doorashooyinka, Mar hadii Xisbiyaddii Qaranku ku heshiin waayeen, waxa  Keliya ee inoo Furan ee doorasho aynu ku gaadhi karno waa inaynu Furno Xisbiyadda.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Qadiyadda Somaliland wuxuuna xusay inay Muddo 30-Sanno ah kadib ay doonayaan inay Xooga saaraan Midowga Afrika.

“9-kii Bishan waxaan safar ku tagay Itoobiya oo dalalka Afrika ay ku shirayeen,  waxaanu galnay Ololaha Somaliland,    Maalintii dambe 10-kii bisha waxaa nala soo hadlay  Xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya,  aad ayaan ugu Farxay, Anigoo Ordaya ayaan Xafiiskiisa ugu tagay,    Wuxuuna salaam kadib ii sheegay inuu Madaxwayne Farmaajo imaanayo,  Waxaana Halkaasi ku galay Shir Saddex geesood ah,  oo aana usii diyaar garoobin,  Waxaana lagu wada hadlay  Sidii xal looga gaadhi lahaa Arinta dhextaala DF Soomaaliya iyo Somaliland.” Ayuu yidhi Biixi.

“Somaliland hadii aanu nahay waan Aqbalnay in Arinteena uu dhexgalo Raysal wasaaraha Itoobiya, Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Wuu Aqbalay,  Waxaana lagu kala tegay in la diyaar garoobo, Balse Cid walba oo Arinteena soo gelaysa waanu soo dhowaynaynaa, Garteenu way noo diyaarsantahay”. Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa soo dhoweeyay Raaligelintii kasoo yeedhay Madaxwayne Farmaajo ee ku Saabsanayd  Dhibaatooyinkii Dawladii kacaanku ay ka gaystay Qaybo kamid ah Gobolada Waqooyi.

“13-Kii Bishan Madaxwaynaha Sooamaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu Bixiyey Raalli gelin ku saabsan dhibaatooyinkii gaadhay Shacabka Somaliland,   Waana Arin kedis igu ahayd, waxaana u Arkaa Tallaabo loo qaaday dhinaca Nabadda, waana soo dhowaynayaa, Garowshiiyo waa Sed,  anaguna waanu gudoomaynaa “.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Muuse Biixi Wararka ku saabsan   Safarka la sheegay inuu Madaxwayne Farmaajo ku imaan doono magaalada Hargeisa.  “Raali gelin ayaan bixinayaa, iyo Hargeisa ayaan imaanayaa  Waa Laba aan is Qaban”.