DHAGEYSO:-Booqashada madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa & muuse biixi oo runta u sheegay shacabka somaliland

0

Madaxweynaha Soomaaliland oo khudbad ka horjeedinayay baarlamaanka Soomaaliland ayaa waxaa uu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa inta ay shaqeynaysay iyo kulanka ay magaalada Adis ababa ku qaateen Muuse biixi iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ugu horeen waxaa uu ka hadlay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo ku aadan inuu raali gelin ka siinayo shacabka dega deegaanada Soomaaliland dhibaatadii ka soo gaartay xiligii dowladdii kacaan ay maamuleysay dalka.

Khudbada Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu marka hore soo dhaweeyay raali gelinta madaxweyne Farmaajo, hayeeshee waxaa uu  meesha saaray in soomaaliland aysan aqbali karin in madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku yimaado Magaalada Hargeysa.