Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Jowhar

0

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaaden fariisin ay ciidamada xooga iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Weerarka ayaa ka dambeeyay kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal ku qaadeen fariisin ay ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona mudo saacad ah uu dagaalka ka socday xaafada horsed ee Magaalada Jowhar.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe.