Wararkii ugu dambeeyay Howlgal ay Ciidamada DFS ka sameeyeen Baadheere iyo dagaal dhacay

0

Wararka aanu ka helayno degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ammanka Dowladda  ay halkaa ka sameeyeen Howlgalo ay ku raadinayaan dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin Alshabaab.

Degmada waxaa xalay ka dhacay weerar lagu qaaday saldhig Ciidamada Dowladda Federaala Soomaaliya ay ku leeyihiin Duleedka Baardheere, Waxaana sidoo kale la sheegay inay dagaalka ay qayb ka ahaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhig ku leh meel u dhaw fadhiisinka Ciidamada Dowladda Federaalka ee weerarka lagu qaaday.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay xilli hore sameeyay baadhitaanno ay kusoo qabteen dad lagu tuhmayo Alshabaab, waxa ay wararku intaa raacinayaan in geeyeen saldhigyadooda si ay baadhis ugu sameeyaan.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda waxay sheegeen in aanu dhankooda waxyeelo gaarin, isla markaana ay iska difaaceen Alshabaab oo weerar ku qaaday mid kamid ah Xeryaha ciidanka.

Ciidamada Dowladda ayaa muddooyinkii dambe waday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay saraakiishu sheegeen in ay ku tagayaan deegaannaada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Gobolka Gedo waxaa ku sugan Ciidamo u badan Militari, waxaana dhawaan lagu biiriyay ciidmao laga qaaday Magaalada Muqdisho, Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen in ay bilaabayaan howlgal ka dhan ah Alshabaab.