Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Cali Ciid Daahir ayaa Maanta Kormeer howleed Ku tagay xurunta wasaarada Maaliyadda iyo Hormarinta Dhaqaalaha Galmudug.
Kormeerid iyo indha-indheyn kadib, waxuu Kulan xog-wareysi la yeeshay wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud, Agaasime-waaxeedyada & Shaqaalaha Wasaarradda Maaliyadda.
Sidoo kale wuxu warbixin ka dhageystay ku saabsan halka uu marayo dhaqaalaha DGGM iyo sida loo horumarinkaro kaabayaaaha iyo ilaha daqli Madaxda Wasaaradda Maaliyadda.
Ugu danbeyntii wuxuu la dardaarmay dhammaan howl wadeenada in dardargeliyo Shaqada Wasaarada maaliyadda waxuu Cali Ciid u Ballan qaaday inuu l yeelen Doono wada shaqeyn dhaw madaama wasaaraddu ka mid Tahay ilaha Dhaqaale Ee ugu muhiimsan Dowlad Goboleedka Galmudug.