“Haddii Madaxweyne Farmaajo uu tago Hargeysa, waxa uu jebinayaa Darbi siyaasadeed ku horgudban” Xil. Fowsiyo Yuusuf

0

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo katirsan XIldhibaanada Golaha Shacabka BFS ee Deegaan doorashadoodu tahay Somaliland waxa ay soo dhaweysay socdaalka la sheegay in Madaxweynaha DFS uu ku tagayo Magaalada Hargeysa.

Fowsiya waxa ay tilmaamtay in xubno sare oo katirsan Somaliland ay Xaqiijiyeen safarka, balse ilaa iminka aanu jirin kulan ama wargelin dhanka Madaxweynaha kaga timid oo ku socota Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Somaliland.

Xildhibaan Fowsiya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed ee uu isagu soo dhaweynayo Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka waxa ay shaacisay in marka la fiiriyo diblumaasiyadda ay fursad u tahay Shacabka Somaliland.

“Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, waxa ay halkaan u joogaan Midnimada iyo in ay Soomaali is raacdo, oo ay dib u hesho sharafteeda iyo karaamadeeda, waynu taageereenaa hab waliba oo lagu gaari karo“ ayay raacisay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

“Waxa aan leenahay Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Magaalada Hargeysa, waana ku bogaadinayaa tallaabadaas oo ah runtii wax lagu farxo, diyaarna u noqdo wax waliba uu kala kulmo” sidaasi waxaa tiri Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Mustaqbal la hadashay.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo baxday hadal heyn ku saabsan in safar uu Magaalada Hargeysa ku tagayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkasta oo aan jirin war kasoo baxay Madaxtooyada Dalka oo looga hadlay hadal heynta Socdaalka Madaxweyne Farmaajo.