Diyaarado Joog Hoose Ku Duulaya oo Lagu Arkay Hawada Magaaladda kismaayo

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya in Hawada magaaladaas lagu arkay Diyaarado Jawi Hoose ku socda.

Diyaaradaha oo ahaa nooca dagaalka ee gantaallada xambaarta ayaa dhowr jeer ku dul haadday magaalada Kismaayo iyo Jaziiradaha ku dhow, waxayna mararka hawada ku tuurayeen waxyaabo holcaya.

Taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ayaa ka hadlay diyaaradaha joogga hoose ku duulaye ee shalay lagu arkay Koonfurta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa qoraal kooban oo sawir watay ku sheegtay in diyaaradda oo nuuceedu ahaa B52 ay duulimaad ka sameysay wadamo dhaca geeska Afrika oo Soomaaliya kamid tahay.