Dawladda Kenya oo Gacanta ku dhigtay Nin War Naxdin leh ku faafiyey Baraha Bulshada

0

Laanta Dambi baadhista ee Kenya ayaa xaqiijisay in Ciidamada Booliiska dalkaas ay xabsi dhigeen Nin Baraha Bulshada soo dhigay digniin ku saabsan weerar ka dhici kara Goob Waxbarasho oo ku taalla Deegaanka Bomed ee Ismaamul Goboleedka Nakuru.

Magaca ninkaan waxaa lagu sheegay Timothy Koech, waxaana loo heystaa in uu bartiisa xidhiidhka Bulshada uu soo geliyay qoraal ku saabsan in Alshabaab ay weerar ku qaadi karaan Kuleej waxbarasho.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee Laanta Dambi Baarista Deegaanka Bomed waxaa lagu sheegay in Ninka la qabtay uu lahaa magac kale oo Joseph Langat, balse bartiisa uu  caddeeyay in uu yahay Soomaali oo magaciisa kale la dhaho Maxamed.

“Hay’adaha sirdoonka iyo kuwa Baarista waxa ay gacanta ku dhigeen Nin Facebook ku isticmaala Joeph Langat oo soo daabacay digniin ah suurta galnimada weerar Al-Shabaab ay ku qarxiyaan Goob waxbarasho oo ku taalla Bomed” .

Qoraalka ninkaan oo ay Hay’adda Dambi baarista soo bandhigtay waxa ay sheegtay in uu u qornaa “Magaceyga Dhabta ah waa Maxamed kana yimid Soomaaliya….. Kenyanka si fudud ayay wax u hilmaamaan”.

Kenya waxa ay kordhisay dabagalka shaqsiyaadka ugu dhaq-dhaqaaqa badan Baraha Bulshada, kadib markii ay kordhiyeen Dhalinyarada dalkaas ee usoo gudbaya Dhanka Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab, kadibna dib ugu laabtaan dalkooda iyaga oo fulinaya weeraro iyo dilal ka dhan ah.