DHAGEYSO:-Boqor Buur-madow oo Taageeray in Madaxwayne Farmaajo yimaado Hargeisa & Sababta

0

Boqor Cismaan Maxamuud [Buur-madow] oo kamid ah Madaxda dhaqanka ee deegaanada Somaliland, ayaa ka hadlay Wararka ku saabsan Safarka Madaxwayne Farmaajo la sheegay inuu ku tegi doono magaalada Hargeisa.

“Somaliland 30-Sanno waxay ku jirtaa, Jug Jug halkaaga Joog, Waxaana taasi sabab noqotay Shacabka, Xukuumadda iyo Xisbiyadda oo aan u Fekerayn si dhab ah, Balse Mowduucii kasta ee yimaada waxaa lagu eegaa ku xumee”. Ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

“Shacabka Somaliland waxay ku cabiraan Arimaha yimaada Si caadifad ah, oo aan Cilmi ku dhisnayn, Anigu Aragtidaydu way ka duwan tahay, Anigu waan soo dhowaynayaa inuu Hargeisa yimaado Farmaajo, Abiye axmed Dan ayuu wataa, Farmaajo dan ayuu wataa, Aniguna waa inaynu dan yeelano”. Ayuu raaciyey hadalkiisa Boqor Buurmadow.