Weriye caawa lagu diley magaalada Afgooye

0

Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in mid kamid ah weriyaasha ka howlgala magaaladaasi ay kooxo hubeysan caawa dileen.

Weriye Cabdiweli Cali Online oo u shaqeynayay taleefishinka Universal iyo idaacada Kulmiya ayaa koox hubeysan rasaas ku fureen isagoo u dhintey dhaawac ka soo gaaray rasaasta.

Dilka weriyahan ayaa imanaya dhowr maalmood kadib markii ay hay’ada Amnesty International soo saartay warbixin ay uga hadashay dhibaatooyinka ay la kulmaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Cabdiweli Online ayaa noqonaya weriyihii u horeeyay ee sanadkan la dilo illaa haddana ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka saxafigan.