Golaha Wasiirada Somaliland Oo Aqbalay In Farmaajo Uu Tego Hargeysa

0

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan aan caadi aheyn, iyagoona uga hadlay Safar la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu tegi doono Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Bixii ayaa Golaha Wasiirada Somaliland u soo jeediyay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Hargeysa, iyagoona aqbalay arrintaas, isla markaana waxaa ay sheegeen inay soo dhaweynayan.

Maalmaha soo socda  ayaa la filayaa in si wadajir ah Magaalada Hargeysa uga degaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo oo ka ambabixi doona sida la sheegay  Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in aysan Hargeysa ku soo dhaweeyn doonin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa tilmaamay in aysan dooneyn in Farmaajo yimaado Hargeysa, isla markaana kal hor uu ka socday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed in Hargeysa uu tego Madaxweynev Farmaajo.