Qaban-qaabada shirkii uu iclaamiyey Madaweyne Deni oo ka socota Boosaaso

0

Waxaa saaka magaalada Boosaaso ka socota qaban-qaabada shirweyne ay iskugu imanayaan dadka reer Puntland, kaas oo uu horay u iclaamiyey madaxweyne Deni.

Shirkaan ayaa looga arinsanayaa khilaafka gaamuray ee ka dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland iyo guud ahaan aayaha Puntland, sida uu horay u sheegay madaxweynaha Puntland Saciid cabdullahi Deni.

Waxaa lagu wadaa in kulankan ay ka qeyb galaan xobno ka socda dowladda federaalka, sida xubnaha labada gole ee baarlamaanka dalka ku metela Puntland, waxaana in ay ka soo qeyb galaan horay uga dalbaday madaxweyne Deni.

Dowladda federaalka oo maalmo ka hor ka hadashay sida ay u aragto shirka uu iclaamiyey madaxweyne Deni ayaa waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso, sidoo kalena ay ka rajeynayso in wax anfaca Puntland iyo guud ahaa Soomaaliya ay ka soo baxaan.

Madaxweynaha Farmaajo oo dhawaan ka hadlay khilaafka dowladiisa kala dhexeeya maamulka Puntland, si gaar ah madaxweyme Deni ayaa waxa uu sheegay in uu ka diiday inay ka wada hadlaan khilaafka taagan marar badana uu ka dhega adeygay casuumaad uu ugu fidiyey magaalada Muqdisho e caasimadda Soomaaliya.

Boosaaso oo lagu wado in uu ka dhaco shirkaas waxaa hadda ku sugan mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, waxaana maanta ku beegan maalintii uu iclaamiyey in shirkaasi furmo ee 15-ka Febraayo 2020.