Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Magaalada Jowhar

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan ka geyteen gudaha magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan, loona geystay wiil dhalinyaro ahaa ayaa ka dhacay buundada magaaladaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Raage, iyadoona raggii toogtay ay goobta isaga baxsadeen

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay howlgallo baaritaano ah sameeyeen dilka kadib, kuwaas oo lagu baadiyey kooxaha ka dambeeyey.