Islow Ducaale”Dhagxaanta taalla waddooyinka waa la qaadayaa”

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ay ka qaado dhagaxaanta waaweyn ee lagu xirey wadooyinka magaalada Muqdisho.

Maxamed Abuukar Islow ayaa ammaanay in dhagxaanta lagu dhigey wadooyinka Muqdisho ay qeyb ka qaateen sugida ammaanka inkastoo uu tilmaamay inay dhibaato kale ay ku qabaan shacabka.

“Waan qaadeynaa dhagxaanta gaar ahaan kuwa ku xiran wadada wadnaha waxaana aan geyneynaa waddada warshadaha iyo jidadka kale ee soo gala caasimada.”ayuu yiri Wasiir Islow.

Wasiirka ayaa xusay in qaraxyo ay Al-Shabaab soo diyaariyeen ay ka soo gudbi waayeen dhagxaanta taala wadooyinka.

Dowlada Federalka ayaa eedeymo kulul kala kulmaysay tan iyo markii ay dhigtey dhagxaanta wadooyinka Muqdisho shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.