DAAWO:-Dhacdo yaab leh : Wiil Soomaaliyeed oo Turkiga doonayey inuu Gabadh ahaan uga dhoofo

0

Wiil soomaaliyeed ayaa isku deyay in uu Garoonka diyaaradaha Esenboğa ee magaaladda Ankara kaga dhoofo Baasaboorka Qof dumar ah ayaa la qabtay isagoo kusii jeeda wadamadda reer galbeedka.

Wuxuu xidhay dharka haweenka sidoo kale wuxu saartay Make cajiib ah oo u ekaysiinayaa ruuxa dumarka ah ee leh dhukumentiga uu isticmaalayo.

Kamerooyinka qarsoon ee garoonka ayaa duubay waxaanna lasoo bandhigay sawiradiisa, sidoo kale warbaahinta Turkey iyo kuwa caalamka ayaa qaada dhigaysa dhacdadan.!

Bulshada Soomaaliyeed oo Mudooyinkii dambe  kusoo badanayey dalka Turkiga ayaa waxaa sidoo kale soo badanaya Dhacooyinka kala duwan ee la xidhiidha Soomaalida, kuwaasi oo dalka Turkiga ka samaynayaan.

WAA KUMA  WIILKA LA QABTAY ? : Ibrahim Bashiir waa 21 sano jir, wuxuu dagnaa Gaalkacyo qeybta Puntland. Wuxuuna kasoo jeedaa isla magalada Gaalkacyo, Wuxuu Turkiga tagay 6 bilood kahor, isagoo asxaabtiisa ugu sheekeeyay in gabar ay saxibo yihiin wadi doonto, Waxaana isagoo raba inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Ankara ayaa waxaa qabtay ciidamada dalka Turkiga

Wuxuu soo xidhay dharka dumarka iyo timo macmal ah. Wuxuu kaloo soo marsaday Make Up iyo gacanta waxaa ugu jiray Boorso dumar, Wuxuu sameeyay wax kasto oo uu isugu ekeysiin karo gabadha Baasaboorkeeda usoo dhiibtay ee Sahro Bashiir.

• GABADHA WAA TUMA :  Sahro Bashiir waa gabadha la dhalatay Ibrahim Bashiir oo uu sheegay inay saxibo yihiin laalkiin waa gabadh la dhalatay isaga, Waxayna degan tahay dalka ingiriiska. Ibraahim ayaana u socday dalkaas, isagoo rabay inuu baasaboorkeeda Turkey ilaa London kaga dago.