AKHRISO:- Soomaaliya oo markale ka dalbaday Kenya qabashada Wasiir Janan

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa oo Wareysi gaar ah siiyay TV-ga Universal ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay rajo ka qabto soo qabashada Wasiir Janan.

Waxaa uu sheegay in guddi loo saaray sababihii keenay in uu baxsado Cabdirashiid Janan Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray suurta galnimada in xubno ku jira dowladda ay gacan siiyeen eedeysanaha, wuxuuna markale Kenya ka dalbaday inay soo gacan geliso.

Dowlada Kenya ayuu ka dalbaday in ay soo qabashada Wasiirka Amniga Jubbaland oo ku sugan degmooyinka Beledxaawo iyo Mandera halkaasi oo ku waddo abaabul dagaal oo ka dhan ah dowlada Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in Kenya ay ka codsanayaan ilaalinta Daris Wanaagga, islamarkaana aysan hoy u noqon Maxbuus dowladda ka baxsaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u dalbatay Waaran caalami ah oo dowladda loogu soo gacan galinayo Cabdirashiid Janan wasiirkii amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.