Mareykanka oo sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda afrika ee Africom loosoo gaabiyo ayaa soo gaba gabeeyay safar labo maalin ah oo uu kula kala tagay dalalka ku yaalo bariga afrika.

Taliyaha Africom Townsend ayaa si gaar ah u booqday dalalka Kenya iyo Somalia isagoona kula laqaatay masuuliyiinta iyo saraakiisha dalalkani.

Taliyaha ayaa booqday xerada Mand bay oo ay kusugan yihiin ciidamo Mareykan ah iyo kuwo Kenyati ah waxaana xeradaasi dhawaantan weerarka qasaaro dhimasho iyo dhawac iskugu jira ka gaystay dagaalamayaasha al-Shabaab.

Ujeedka safarka taliyaha ciidamada Africom ayaa lagu sheegay in uu ahaa sidii uu qiimeyn ugu sameen lahaa xarumaha ciidamada Mareykanka ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uuna taliye Townsend ugu danbeen balan qaaday in ay ka go’antahay sii wadida dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.