Kenya oo dalkeeda ka musaafurisay Dad u dhashay Shiinaha

0

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay dalkeeda ka musaafursey Afar Ruux oo u dhalatay dalka Shiinaha,kuwaas oo ka Shaqeynayay Maqaaxi ku taalla Xaafadda Kileleshwa ee Xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Amarka dadkaan lagu musaafuriyey ayaa waxaa bixiyey Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi,kadib markii dhawaan Warbaahinta dalkaasi ay baahisay muuqaal laga dhex arkaya mid ka mid ah howlwadeenada maqaaxidaas oo garaacaya shaqaale Kenyaan ah.

Maamulka Maqaaxiyda ayaa intaasi kadib waxa ay wajaheen Maxkamad,iyada oo muddo 15 Cisho ah loo qabtey in kiiskaas lagu soo baaro.

Booliska Kenya Xubno kamid ah ayaa waxaa ay sheegeen in Garaacista Ninkaan ka sokow ay horay u jireen garaacis kale oo ay la kulmeen qaar kamid ah Shaqaalaha Maqaaxida.

Safiirka dowladda Shiinaha e dalka Kenya , Wu Peng ayaa si kulul u cambaareeyay falka uu ku kacay eedeysanaha Shiineeska ah,waxaana uu sheegay inay waajib ku tahay muwaadiniinta Shiinaha ee ku nool Kenya iay Sharciga u hogaansamaan.

Muwaadiniinta u dhashay Shiinaha ee dalka Kenya laga musaafuriyey ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Deng Hailan oo muuqaalka ka soo dhexmuuqday isagoo jirdil gaysanaya , Chang Yueping iyo Ou Qiang oo lagu eedeynaya inay haystaan dal ku gal waqtigiisu dhacay, iyo Yu Ling oo dowladda ay sheegtay inuunan haysan oggolaanshaha shaqo.