Faahfaahin ka soo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Kismaayo

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan weerar bambaano oo xalay lagu qaaday goob ganacsi oo ku taal bartamaha magaalada Kismaayo.

Wararka waxa ay sheegayaan in labo ruux ay ku dhinteen 13 kalana ku dhaawacmeen weerarkan bamka ah ee lagu qaaday goob ganacsi oo ku taal isgoyska Golol kuna dhow aargada magaalada Kismaayo.

Dadka ku dhaawacmay weerarkan bamka ah ayaa la dhigey isbitaalada magaalada Kismaayo iyadoo qaarkood ay dhaawacyadoodu culus yihiin.

Dhammaan dadka waxyeeladu ka soo gaartay weerarkan ayaa ahaa dad rayid ah sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Lama oga cidda ka dambeysay weerarkan bamka ah ee lagu qaaday goobtan ganacsi,iyadoo hore sidoo kale labo jeer isla goobtan ganacsi lagu weeraray bamka gacanta laga tuuro.