DHAGEYSO:-Madaxweynaha JFS oo Kenya ku eedeeyay in ay fara gelin ku hayso Dalka

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay TV-ga Universal ayaa waxaa uu kaga hadlay ku aadan siyaasadda dalka, sida xiriirka dowladaha deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya iyo Itoobiya, khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, doorashooyinka iyo arimo kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay fara gelin ku hayso dalka, islamarkaana waxaa uu sheegay in arintaasi marnaba la aqbali doonin.

Sidoo kale Madaxweynaha Somalia ayaa uu qiray in dowladda Kenya uu khilaaf muranka badda ah kala dhaxeeyo Soomaaliya, iyadoo taas ka duuleysana ay fara gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, si gaar ah waxa uu sheegay in ay adeegsaneyso Jubbaland, taasna aysan aqbali doonin.