AKHRISO:- Taabid Cabdi oo ka hadlay Raali-Gelintii Madaxweyne Farmaajo uu siiyay Somaliland

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay raali-gelintii maanta Madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyay dhibaatadii dowladdii hore ee Soomaaliya u geysatay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Taabid Cabdi oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu bogaadiyay in dowladda Soomaaliya ay garowshiyo iyo raaligelin ka bixiso xasuuqii loo geystay shacabkii Gobolada Waqooyi, iyadoo xiligaas la adeegsanayay magacii dowladda.

Hase yeeshee, Taabid Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii raaligelinta uu siinayay Gobolada Waqooyi ay aheyd inuu magaca Soomaaliland ugu yeero, taasi oo uu tilmaamay inay abuuri laheyd uur-fiyoobi.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi

Marka hore waxaan boggaadinayaa in Dowladda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday in garowshiyo iyo raaligelin ay ka bixineyso xasuuqii loo geystay walaallaha Somaliland, iyadoo la adeegsanayo magacii Dowladda Soomaaliya.

Si hadalku ugu muuqdo mid runsheeg iyo niyad ka dhihid ah, waxaa Madaxweynaha laga sugayay inuu magaca Somaliland ugu yeero, taas oo abuuri laheyd uur-fiyoobi, sidoo kale ma aheyn in Madaxweynuhu xujo daba dhigo hadalkiisa.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iney si dhab ah, oo daacadnimo iyo laxaw ku jiro ugu istaagto sidii looga dhayi lahaa walaallaha Somaliland dhibkii gaaray, loona furi lahaa wadahadallo miro-dhal ah oo laga dhaxlo natiijo wanaagsan oo taariikhi ah.