SAWIRO:- Nuxurka Shir Magaalada Nayroobi uga Furmay Baanka Aduunka iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa maanta magaalada Nayroobi ka furay shir u dhaxeeya Wasaaradda iyo hay’adda IFC oo ka tirsan Baanka Aduunka.

Shirkan oo Agaasimaha ay ku wehelinayeen Madax ka tirsan Wasaaradda, ayaa ay hay’adda ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi ee labada dhinac, horumarinta Ganacsiga iyo fududeynta wax dhoofinta.

Shirka, waxa kale oo ay kaga wada-hadleen siddii kor looggu qaadi lahaa mashaariicda iyo shaqooyinka ay ka wada-shaqeen labada dhinac ee khuseeya Ganacsiga iyo Maal-gashiga maadaama oo wakhtigan ay dawladda Soomaaliya u dhow dahay in wakhtiyada soo socda laga cafiyo deynta.