SAWIRO:- Ciidamadii Ugu Horeeyay Ee Daraawiish Ah Oo Maanta Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho

0

300 oo Askari oo iskugu jira Saraakiil iyo ku xigeeno ahna dufcaddii 1-aad ee Ciidanka Daraawiishta Soomaliya ayaa Maanta loo soo xiray tababar muddo socday.

Munaasabadda tabarka loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga, Saraakiil ka tirsan AMISOM,UNKA, Masar.

Taliye xigeenka hoggaanka iyo tabararrada Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Maxamuud Maxamed Garaar ayaa sheegay in Ciidankaan la baray Carasho ku saabsan ka hortagga weerarada Al-Shabaab.