Maraykanka oo xayiraadii ka qaaday shirkadii Al-Barakaat

0

Dowlada Maraykanka ayaa ku dhowaaqday inay ka qaaday xayiraadii ay ku soo rogtay sanadkii 2001dii shirkada Barakat oo ganacsi xoog leh hore ugu lahayd dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Maaliyada ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in la joojiyay oo la xirey dhammaan eedeymihii loo haystay weerarkii bishii 11kii September 2001dii lagu qaaday daaraha Mataanaha ahaa ee New York iyo weliba magaalada Washington.

Shirkadda Barakat ayaa heli doonto magdhow u dhiganta mudadii xayiraada saarneyd maadaama lagu waayay eedeymihii loo xayiray lacagtaas.

Xayiraada Maraykanku uu saaray shirkadda waxaa ay saameyn ku yeelatay kumanaan ruux oo Soomaali ah oo lacag u tiil Bangiga Barkaat iyo weliba shaqaale faro badan oo ka howlgalayay dhammaanba laamaha ay ku lahayd shirkadda dalka oo dhan.