DHAGEYSO:-Xaliimo Yarey” Ma jiro Xisbi doorasho ka qeyb gali kara”

0

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yarey) oo warbaahinta kula hadashay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka hadashay arimaha doorashooyinka qaranka iyo arimo kale.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in aysan jirin xisbi siyaasadeed oo xiligan ka qeyb geli kara doorasho ka dhacda dalka.

Sababta ayay ku sheegtay guddoomiye Xaliimo Yarey in ay tahay in waqtigan ay wax badan ka dhiman yihiin nidaamka xisbiyada.