DHAGEYSO:-Puntland oo soo saaray digniin ku socota dowladda soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabareey) ayaa sheegay in faragelinta dhinaca Maamulka ah oo ay ku heyso Dowladda Federaalka Puntland ay bilihii u dambeeysay aad isku soo tareysay taasina ay keeni karto in nidaamka dalka kajiro uu ka baxo.

Waxaa uu sheegay in puntland ay dhowr jeer isku dayday inay wada-hadal la gasho dowladda Federaalka si loo dhameeyo mad madowga siyaasadeed,balse taasi ay ku guul dareysatay dowladda Soomaaliya.