AKHRISO:- Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galay Uganda

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika oo ay soo qabanqaabisay ARLAC,kaas oo lagu qabtay Magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Waxaa uu Wasiirka Shirkaasi ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay kor u qaadday dadaallada Shaqada lagu abuurayo iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu yiri “ Waa inaan mudnaanta koowaad siinnaa taakuleynta dadka faqriga la ildaran, anagoo garowsan ahmiyada ay u leedahay taagerada noocan ah nabadda, hodantinimada dhaqaale iyo karaamada aadanaha- Waxaan dhowaan dhaqan galiney Nidaamka daryeelka Bulshada haddana waxaan ku jirnaa wajigii ugu horreeyay ee hirgelintiisa.”

Wasiir Sadiiq ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah Wasiirada dhigiisa ah ee ka qyeb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika.