AKHRISO:- Madaxweyne Farmaajo oo amarsiiyay Hay’addaha garsoorka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha Dowladda, gaar ahaan garsoorka in ay ilaaliyaan cadaaladda, dadaal muuqdana ay geliyaan sixidda kiis-dacwadeed kasta oo ay xaqooda ugu soo celinayaan muwaadiniinta la duudsiyey.

“Markii labo qof oo isdacweeyey uu garsooruhu eedda dusha ka saaro kii dulmanaha ahaa ee dhibbanaa, taas macnaheedu waa garsoorahaasi in aanu nabadda iyo xasilloonida ka shaqeyn.”

Munaasabaddu inta ay socotay, waxaa Madaxweynaha loo soo bandhigay nuxurka aragti wadaagga khuburada garsoorka Soomaaliyeed -heer Federaal iyo heer dowlad goboleed- oo ku saleysan tayeynta hannaanka cadaaladda dalka, caqabadaha ku xeeran, qorsheyaasha hirgalay iyo kuwa hortabinta u leh mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.