AKHRISO:- Dhimasho & dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Hiiraan

0

Fah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayan dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka tirsan kooxda Macawiisleey ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Afqurun ee duleedka degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan,waxaana saraakiil Ciidan ay sheegeen inay dagaalkaas ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux oo kala ah dhinacyadii dagaalamay.

Ciidamada Itoobiyaan ah ee la dagaalamay Ciidamada Macawiisleyda ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ka yimid dhinaca degmada Xudur oo ay kasoo gadoodeen Ciidamada kale ee ku sugan degmadaasi Xudur,kadib markii ay isk hilaafeen Sarkaalkii xukumayay.

Dagaalka kadib Ciidamada Itoobiya ayaa u ruqaansaday dhinaca Xaduudka Soomaaliya iyo Itoobiya,isla markaana deegaanka ay ku hareen Ciidamada Kooxda Macawiisleey ee la dagaalamay Ciidamada Itoobiya.

Maamulka Gobolka Hiiraan & Saraakiisha qeybta 27aad ee Ciidamada dowladda weli kama hadlain dagaalkaas oo ahaa kii ugu horeeyey ee dhexmara Ciidamada Itoobiya iyo Kooxda Macawiisleey oo labaduba ay dagaal kula jiraan Ururka Al-Shabaab.