Villa Somalia oo War kasoo Saartay Kulankii Farmaajo iyo Biixi dhexmaray

0

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa War Kooban kasoo saartay kulankii magaalada Addis Ababa maalintii shalay ku dhexmaray Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Xaqiijiyey Kulanka dhexmaray Labada dhinac, Balse kama aanu bixin Faah faahin dheeraad ah, SIdoo kalana ma Jiro War Murtiyeed ama Sawirro ku saabsan kulankaasi oo la baahiyey.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Addis Ababa Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali marti-gelinta kulankii shalay.“