Guddoomiyaha Xisbiga UDP Xasan Sheekh oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay Swan

0

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya oo haatan ah guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ee (UDP) Xasan Sheekh Maxamed ayaa la kulmay maanta Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan ay iskula soo qaadeen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo weliba arrimaha doorashooyinka la qorsheynayo in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa sheegay in muhiimada ay tahay sidii saamileyda Siyaasadda ee dalka ay qeyb uga noqon lahaayeen howlaha doorashooyinka Soomaaliya.

James Swan ayaa wada kulamo uu la yeelanayo saamileyda siyaasada dalka iyadoo uu hore kulamo la yeeshay mas’uuliyiin badan.