DHAGEYSO:-C/naasir Seeraar Oo Si Kulul Uga Hadlay wixii Maanta Kismaayo Dhacay

0

C/naasir Seeraar Maax oo ah Madaxweynaha Jubbaland sida uu sheegtay Ee Sharciga ayaa dad kusugan Gurigiisa waxay sheegeen inuu aad uga xumaaday wixii maanta dhacay.
Waxa uu Ku Eedeeyey Maamulka Axmed Madoobe uu u aqoonsan yahay Madaxweynihii hore inay Awood isticmaaleen oo ay Shacab kala ceeriyeen iyagoo rasaas furaya.

Banaanbax looga soo horjeeday Axmed Madoobe ayey Qaar ka mid ah taageerayaasha Seeraar maanta ka dhigeen Kismaayo balse Ciidamada Jubbaland ayaa kala ceeriyey.

Seeraar oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in wax walbo oo dhibaato ah oo ka dhasha Xasarada weli ka taagan galabta Kismaayo uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in markii uu dib ugu soo laabtay Kismaayo uu waday daan daansi iyo inuu lahaa seeraar laga saarayaa magaalada.