Qabanqaabada Caleema Saarka Qoo-Qoor Oo Socota

0

Qaban-qaabada xaflad balaaran oo lagu caleema saarayo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], madaxweynaha Galmudug ayaa socota.

Munaasabadda oo aan wali la muddeyn xiliga ay qabsoomeyso ayaa la sheegay in loo saari doono koox gaar ah oo ka shaqeyneysa.

Qoor-qoor oo shalay la kulmay qaar kamid ah bulshadda oo uu ka gudoomay xoolo loogu talagalay in lagu martiqaado martida ka qeybgaleysa doorashadaas.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa loo doortay madaxweynaha Galmudug kadib doorasho ka dhacday magaaladda Dhuusamareeb.

Caleema-saarkiisa ayaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira dowladda federaalka, maamuladda iyo Beesha Caalamka.