Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sharaxaad ka bixiyay ciidamada milatariga ee lagu daabulayo deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Maxamed Cabdi Xayir Wasiirka Warfaafinta ayaa ku macneeyay sababaha loo geeyay ciidamada gobolka Gedo ay tahay sidii ay ugaga qeyb qaadan lahaayeen difaaca dalka.
“Dastuurka ayaa qeexaya in dowlada federalka ay ciidamo geyn karto meel walba oo ka mid ah dalka waxayna ciidamadu gudanayaan waajibaad saaran.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay wasiirku in aysan dhibaato abuur ahayn ciidamada dowladda ee loo qorsheeyay in la geeyo gobolada dalka si ay u sugaan ammanka dalka iyo la socodka Xuduudaha.
Hase yeeshee, Maamulka Jubbaland ayaa ku macneeyay in ciidamadaasi ay weerar ku yihiin Maamulka Jubbaland ayna ka hortagayaan.