Qarax miino ayaa saakay waxaa uu ka dhacay Xaafada Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay qaraxaasi dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari loo yaqaano Saaruf, ama Hillux, lamana oga cida saarneed gaarigaasi.
Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in qaraxa uu hal qof ku dhintay, halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.
Ma jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helay qaraxa.
Ciidamada booliska Somalia ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.