Maxkamadda ciidamada Somaliland oo xukunno riday

0

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa xukunno dil iyo xadhig ah ku xukuntay askar katirsan ciidamada Somaaliland

Tirada askartaan ayaa garaysa  ilaa saddex askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliland

Maxkamadda ayaa Maxamed Yaasiin Faarax oo ah askari boolis ah ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo lagu eedeeyay in uu magaalada Wajaale agteeda ku dilay Marxuum lagu magacaabi jirey Caydaruus Maxamed Daahir.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay 11 sano oo xadhig ah ku xukuntay labo askari oo kala ah: Cabdinaasir Maxamuud Guuleed iyo Cumar Maxamed Cabdi, kuwaasi oo iyagana lagu eedeeyay in ay xidhiidh la lahaayeen falkan dilka ah.