SAWIRRO:-Duqa Muqdisho Iyo Safiirka Talyaaniga Oo Ka Wadahadlay Arrimo Muhiim Ah

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulankani ayaa inta uu socday wax yaabihii laga hadlay waxaa kamid ahaa sidii dowlada Talyaaniga ay u xoojin laheyd taageerada mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyadoo kulankani ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka boliiska Soomaaliyeed sareeya guuto Saadaq Cumar Xasan.