Madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron, ayaa dhigiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ku eedeeyey in uu jabiyey ballankii uu qaaday ee ahaa in aanu Liibiya farogelinayn.
Macron wuxu sheegay in maraaakiib dagaal oo ay saaranyihiin calooshooda u shaqaystayaal reer Suuriya ah arkay iga oo Liibiya gaadhay.
Erdogan weli eedaas kama jawaabin.
Bishan horraanteedii ayaa ayaa hogaamiyeyaasha dunidu ballan qadeen in aanay faraha la galayn dagaalka sokeeye eek a socda Liibiya, waxaanay wacad ku mareen in ay u hogaansamayaan cunoqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay saartay dalkaas.
Turkigu wuxu taageersanyahay xukuumadda Qaramada Midoobay aqoonsantahay ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli, halka Faransiiskuna xidhiidh la samaystay xukuumadda taa lidka ku ah iyo Janaraalka fallaagada ah ee Khaliifa Xaftar.
Tan iyo bishii Abriil 2019, ayaa xukuumaddaa Qaramada Midoobay aqoonsantahay waxay iska difaacaysay guluf ay ku qaadeen dagaalyahannada Jeneraal Xaftar daacadda u ahi.