Madaxweyne Farmaajo oo laga dalbaday in uusan saxiixin sharciga Saxaafadda

0

Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) iyo ururada kale ee warbaahinta sida SOMA iyo Ururka Saxafiyiinta Haweenka ee (SWJ) ayaa la wadaagay walaaca ay ka qabaan sharciga Saxaafadda oo horyaalla Madaxweyne Farmaajo, kaddib markii ay dhowaan ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan ay la qaateen Ururada Saxaafadda habeen hore oo taariikhda ku beegneyd 26 Janaayo ayaa waxay Ururka FESOJ iyo Ururada kale ee Saxaafadda ka codsadeen Madaxweynaha in uusan saxiixin Sharciga saxaafadda ee cabashadu ka jirto ee ay wada meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya dhowaan.

Sharciga cusub ee Saxaafadda waxaa ku jira qodobo adag oo cadaadis adag saaraya saxaafadda ,isagoo ka horimanaya Qodobka 18-aad ee Dastuurka dalka oo si cad u muujinaya in “Qof kastaa xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa u muujiyo si madaxbannaan ”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C /llaahi Farmaajo ayaa dhagaystay welwelka ay u gudbiyeen suxufiyiinta Soomaaliyeed ee la xiriira sharciga saxaafadda iyo qodobbada ugu daran ee culeyska leh ee ku jira sharciga saxaafadda, wuxuuna sheegay inuu la tashiyo sameyn doono isla markaana uu tixgelin doono soo jeedinta iyo walaaca ay soo gudbiyeen bahda warbaahinta Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in hoggaanka dowladda ay ka go’an tahay oo ahmiyad weyn siiyaan xorriyadda hadalka iyo warbaahinta waxana astaan ​​cad u ah buu yiri sida ay ula dhaqmeen warbaahinta seddexdii sano ee la soo dhaafay .

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in looga baahnaa doono bahda warbaahinta in ay sameyso olole xoog leh baarlamaanka dhexdiisa inta dib u eegistu socotay laakiin wuxuu sheegay hadda inuu sameynayo wadatashiyo ku saabsan waxa laga qaban karo sidii loo heli lahaa sharci hufan .

Guddoomiyaha FESOJ Abaadir C/qaadir Cilmi iyo Xoghayaha Guud ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ,Axmed Ciise Guutaale oo SOMA ka socday iyo Amina Ladan Axmed oo ka socotay SWJ oo si gaar gaar ah kulanka uga hadlay ayaa si isla mid ah hoosta uga xariiqay in sharcigan weli yahay mid taagtaagan oo dabraya warbaahinta sidaa awgeedna ay wadajir uga codsadeen in madaxweynuhu aanu saxiixin Xeerkan.