DHAGEYSO:-Maxaa maanta ka cusub Dhuusamareeb?

0

Maanta ayaa waxaa  ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku xigeen Maamulka Galmudug, sida uu  sheegay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa muddo 24 saac ah shalay ku kordhiyay isdiiwaan gelinta Musharixiinta doorashada taasi oo ku eg maanta si musharaxiinta daneynaya in ay u tartamaan doorashada Galmudug ay fursad ugu helaan in ay is diiwaan galiyaan.

Afar Musharax oo kamid ah kuwa ugu saameynta badan tartanka Madaxweynaha Galmudug ayaan weli is diiwaan gelin, xili saacado kooban ay ka harsan yihiin waqtii ay qabteen guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Galmudug

Musharaxiintaan ayaa kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, C/llaahi Faarax Wehliye, Kamaal Guutaale iyo Cabdi Dheere.

Kulamo siyaasadeed ayaa xalay waxaa ay ka socdeen magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaasi oo looga hadlayay arimaha doorashada Galmudug.